Faahfaahino Ka soo baxaya Dagaal Beeledyo ka socda Gobalka Sool.

0
69

Wararka Naga Sooo Gaaraa Gobalka Sool Ayaa Sheegaya In Deegaano Ka Tirsan Gobalkaasi Ay Dagaallo U Dhaxeeya Beelo Walaalo Ah Ah Ay Ka Socdaan Halkaasi.

Xiisadaan Dagaal Oo U Dhaxeyso Laba Maleshiyo Beeleed Ayaa Waxaa Ay Ka Dhacday Degaanka Aricaddeeye Oo Qiyaastii Banaanka Ka Ah 30KM Magaalada Laascaanood.

 

Illa Iyo Hadda Inta La Xaqiijiyay Dagaalkii Shalay Ayaa Waxaa Ku Dhaawacmay Hal Ruux, Iyada Oo Weli Labada Maleeshiyo Beeleed Ay Is-Horfadhiyaan,Waxaana Dadka Degaanka Aricaddeeye Ay Sheegeen Inay Soo Wajahday Cabsi Ku Aadan In Dushooda Lagu Dagaalamo.

Malin Ka Hor Ayeey Aheyd Markii Deegaankaas Ay Dagaal Khasaare Geystay Uu Ku Dhex-Maray Labada Maleeshiyo Beeleed, Kaas Oo La Sheegay In Uu Ka Bilaawday Dhul Ku Yaalla Degaanka Adhicaddeeye Kadib Markii Ay Isku Qabsadeen Malayshiyaad Ka Tirsan Labada Dhinac.

 

 

Si Kastaba Dagaalka Kadib Ayaa Waxaa Ku Baxay Maleeyshiyaadka Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Soomaaliland Ayaa Gaaray Degaanka Lagu Dagaalamay, Hayeeshee Aysan Weli Ku Guuleysan Inay Kala Dhex-Galaan Labada Maleeshiyo Beeleed Ee Dagaalamay, Kuwaas Oo Xisad Dagaal Oo U Dhaxeysa Saakay Laga Dareemayo Deegaankaas.

 

Muddooyinkii U Danbeeyay Dagaal Beeleedyo Dhow Ah Ayaa Ku Soo Noq Noqday Deegaano Hoostaga Gobalka Sool.