Saaxibada Soomaaliya Oo Walaac ka Muujiyay Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka.

0
67

Kadib Markii Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Dalka Xassan Cali Kheyre, Ayaa Waxa Madaxweeynaha Iyo Guddoonka Baarlamaanka Uu La Kulmayey Dhaleeceeyn Siyaasiyiinta Iyo Sidoo Kale Dowladaha Taageera Soomaaliya.

Dowladda Sweden Oo Ka Mid Ah Dowladaha Sida Weyn U Taageera Dalka Ayaa Waxa Ay Walaac Xoogaan Ka Ay Ka Muujisay , Xaaladda Siyaasadeed Ee Kacsan Ee Dalka Ka Jirta.

Wasiirka Arimaha Dibadda Sweden Ann Linde Ayaa Waxa Ay Sheegtay In Ay Dowladeeda Ay Aad Uga Xun Tahay Xil Ka Qaadistii Aan Habraca Sharci Loo Marine E Ra’iisul Wasaaraha .

War-Qoraal Ah Oo Ay Wasiirka Ku Qortay Barta Ay Kuu Leedahay Twitter-Ka Ayaa Waxa Ay Ku Sheegtay Ann Linde Inay Wal-Wal Xoogan Ka Qabto Go’aankii Lagu Riday Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.

 

“Sweden Waxay Walaac Ka Muujisay Arrimaha La Xiriira Isbedelada Isbuucaan Ka Socda Soomaaliya. Waxaa Muhiim Ah In Wadahadalka Loo Dhan Yahay Uu Sii Socdo Iyo In Heshiiska Dhuusamareeb La Ansaxiyo.” Ayey Tiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden” Ayeey Tiri Wasiirka Arimaha Dibadda Sweden.

Si Kastaba Hadalka Wasiirka Arimaha Dibadda Sweden Ayaa Waxa Uu Ku Soo Adaya Xilli Horay Dowladda Mareykanka Iyo Sidoo Kale Midawga Yurub Ay Kaga Horyimaadeen Xil Ka Qaadista Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Dalka Xassan Cali Kheeyre.