Xisbiga UPD oo Madaxda Dowladda uga Digay Muddo Kororsi.

0
51

Xassan Sheikh Maxamuud Madaxweeynihii Hore Dalka Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda Iyo Horumarka UPD, Shir Guddoomiyey Kulanka Xubnaha Xisbiga UPD, Oo Looga Hadlayaye Arima Dhowr Ah.

 

Kulanka Ayaa Intii Uu Socday Waxaa Looga Dooday Sida Ay Muhiim U Tahay In La Ilaaliyo Midnimada Iyo Wadajir Ka Umadda Soomaaliyeed Isla Markaana Laga Fogaado Wax Walba Oo Keeni Kara Qalqal Siyaasadeed Ama Amni.

 

Shirka Ayaa Sidoo Kale Intii Uu Socday Waxaa  Looga Hadlay Marxaladda Kala Guurka Ah Ee Dalku Marayo Iyo Sida Dalka Loo Samata Bixin Lahaa, Ugana Dhici Laheyd Doorasho Heshiis Lagu Yahay Oo Xilligeedii Ku Qabsoonta.

 

Si Kastaba Gaba Gabada Kulanka Ayaa Laga Soo Saaray Baaq Ku Aadan In Si Wadajir Ah Looga Shaqeeyo Samatabixinta Dalka Iyo Abuurista Jawi Xasillan Oo Suurogelin Kara Wadatashi Si Loo Gaaro Isfaham Siyaasadeed Oo Lagu Maareynayo Marxaladaan Kala Guurka Ah.