DHAGAYSO>Maxkamada Gobolka Banaadir Oo ku dhawaaqday Xukunka Wabiye Gurbiye.

0
98

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta soo gaba-gabeysay kiiska Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo dhowr jeer la horgeeyey maxkamaddaasi, kadib markii loo soo jeediyey edeymo culus oo isaga ka dhan ah.

Garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in Wariyaha lagu helay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo ku saabsan faafinta warar been abuur ah.

Sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay in lagu xukumay lix bilood oo xarig ah iyo gacanaax lacageed oo dhan 5 milyan oo shilin Soomaali ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay inuu racfaan qaadan karo Wariyaha, hadii uusan ku qanacsaneyn xukunka xabsiga ah ee lagu riday.

Kiiska Wariye Gurbiye ayaa soo jiitamayey bilihii u dambeeyey, iyada oo markii afaraad saaka la horgeeyey maxkamadda oo ku dhawaaqday go’aankaasi, waxaana Loo txaabay xabsiga dhexe  ee xamar, kadib xukunka saaka lagu riday.

Dhanka kale qaar ka mid ah ururada u dooda saxaafadda ayaa ka soo horjeestay go’aanka maxkamadda, iyaga oo sharci darro ku tilmaamay.

Si kastaba ha’ahaatee Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tafaftiraha Goobjoog FM ayaa horey waxaa loo sheegay inay soo eedeysay Villa Soomaaliya, kadib markii uu warbixin xasaasi ah oo ku aadan sida loo xakameeyey Covid-19 uu ka qoray dowladda Somalia.

 

 

Hoos ka dhagayso Codka Gorsooraha Kaxmada Gobolka