Puntland oo xabsiga u taxaabtay Asakar Dad Shacab ah rasaaseeyay.

0
60

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal ayaa xabsiga dhigay laba askari oo ku eedaysan in ay Rasaas ku rideen Haween Ganacsato danyar ah oo shalay muddaharaad ka sameeyay barxadda Caasimadda Garoowe.

 

Ganacsatada danyarta oo oo banana baxa dhigayay  ayaa  ka cabanayay lacago  canshuur aha  oo ay sheegeen in lagu kordhiyay.

 

Rasaasta aya ciidanka ku fureen dadka banana baxa dhigayay waxaa ku dhaawacmay saddex Ruux oo mid kamid ah uu dhaawaca u geeriyooday.

laba kamid ah Askarta ka tirsan Ciidanka Booliiska Gobolka Nugaal oo shaley rasaasta ku furay banana baxayaasha ayaa xabsiga la dhigay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha.

 

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay aad uga xun yihiin in dhibaato loo gaysto shacabka islamarkaana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cid kasta oo ay ku caddaato in ay dhibkaasi gaysatay.