Taliska Ciidanka Mareekanka Oo qirtay in Dalka Soomaliya Ay Kudileen Dad Shacab Ah.

0
59

Taliska Mareykanka Ee Qaarada  Afrika, Ayaa Xaqiijisay Warbixinnada Ay Hay’adda Amnesty International Ka Soo Saartay Duqeymaha Cirka Mareykanka Ee Ka Dhacday Magaalada Jilib Taariiqda Marka Ay Ahayd  2-Febraayo waxaa du qeyntaasi ku geeriyootay Nurto Kusow Cumar Abuukar, Iyadoona ayKu  Dhaawacmeen Labadeeda Gabdhood Iyo Ayeeyadood.

 

Taliska Mareykanka Ee Qaarada  Afrika Ayaa Sheegay In Bartimaameedka  Duqeyntaasi  Aheyd Xubno Ka Tirsan Kooxda Al-Shabaab.

 

“Hadafkeenu Waa Inaan Mar Walba Yareynno Saameynta Dadka Rayidka Ah, Nasiib Darase Waxaan Aaminsanahay In Howlaheena Ay Sababeen Dhimashada Hal Qof Iyo Dhaawaca Seddex Kale Oo Aan Damacsaneyn Inaan Bartilmaameedsano” Ayuu Yiri Gen. Stephen J. Townsend, Taliyaha Taliska Ciidamada Afrika Ee Mareykanka

 

Sanadkii La Soo Dhaafay, Taliska Afrika Wuxuu Ballan Qaaday Inuu Dib U Eegi Doono Dhammaan Hawlgallada Milatari Ee Ka Socda Somalia Illaa Iyo 2017. Dib-U-Eegista Kadib, Waxay Qirteen Dhimashada Afar Qof Oo Rayid Ah Oo Lagu Bartilmaameedsaday Laba Weerar Oo Kala Dhacay 2018 Iyo 2019.

 

Warbixin Ay Soo Saartay Hay’adda Amnesty International Ayaa Lagu Sheegay In Hadda  Waajib Tahay Isla Xisaabtan Iyo In Magdhaw Laga Bixiyo Dhibanayaasha Iyo Qoysaskooda Sidaasi Waxaa Nytimes U Sheegay Brian Castner.

 

Amnesty International Ayaa Waxay Diiwaan Gelisay In Ka Badan 20 Qof Oo Rayid Ah Kuwaasi Kuwaasi Oo Waxyeelo Kazoo Gaartay Duqeynta Ay Soomaaliya Ka Fuliyaan Taliska Ciidanka Mareeknka Ee Africom.