Xildibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka Doodaya Sharciyo Muhiim ah.

0
59

Xildhibaanada Golaha Shacabka Ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ayaa Lagu Wadaa In Maanta Ay Maariyaan Akhrinta Kowaad Ee Wax Ka Badelka Sharciga Burcad Badeedka.

 

Mudanayaasha Golaha Oo Ku Kulmaya Xarunta Ku Meel Gaarka Barlamaanka Jamhuuriuadda Federaalka Soomaaliya Ee Villa Hargeysa Ayaa Sidoo Kale Waxa Ay Ka Doodi Doonaan Dib U-Eegista Miisaaniyadda Dalka Ee 2020.

 

Golaha Wasiirrada Ayaa 31-Kii Octobar Ee Sanadkii Tagay Ee 2019 Kii Cod Aqlabiyad Leh Ku Meel Mariyay Ku Tala Galka Miisaaniyadda Dawladda Ee Sannadka 2020 Oo Dhan $469.5 Milyan.

 

Kororka Ku Yimid Miisaaniyadda 2020, Badankeed Waa Mushaar Loo Kordhiyay Ciidamada Qalabka Sida Oo Askari Waliba Loo Qoondeeyay Mushaar Dhan $200 Bil Waliba.

Si Kastaba Xarunta Villa Hargeeysa  Oo Kulanka Uu Ka Dhacayo Ayaa Hadda Waxaa Laga Dareemaya Diyaar Garowgii Ugu Danbeeyay , Iyadoona Xildhibaanada Qaar Ay Hadda Xaadir Ku Yihiin Xarunta .