Aqalka Wakiilada Mareykanka oo lagu soo Rogay Amaro Cusub.

0
66

Mudanayaasha Aqalka Wakiillada Baarlamaanka Mareykanka Ayaa  Dhamaan Lagu Soo Rogay Amaro , Looga Hortagayo Xanuunka Covid-19.

Amaradaan Ayaa Waxa Xildhibaanada Loogu Sheegay In Ay Xirtaan Qalabyada Looga Hor Tago Xanuunka Corona , Xilli Dhimashada Uu Sababay Fayraskaasi Ee Dalkaasi Ay Sare U Kacday.

 

Nancy Pelosi Guddoomiyaha Aqalka Wakiilada Ayaa U Digtay Xildhibaanaada, Iyada Oo Sheegtay In Cid Kastaa Oo Ku Xadgudubto Amaradaan Tallaabo Laga Qaadi Doono.

 

Golaha Wakiilada Ayaana Amarkaasi Soo Saaray Kadib Markii Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaankaas Ooo Lagu Magacaabo Louie Gohmert.

 

Xildhibaankaasi Ayaa Dhismaha Baarlamaanka Dhawr Jeer Lagu Arkay Isaga Oo Aan Xirnayn Qalabka Looga Hortago Xanuunka Covid-19.

 

Gudoomiye Nancy Pelosi Ayaa Sheegtay In Xildhibaannada Loo Ogol Yahay In Ay Bixiyaan Af-Saabka Marka Ay Khudbad Ka Jeedinayaan Gudaha Baarlamaanka Ama Ay Hadlayaan.

Si Kastaba Guud Ahaan Dadka Uu Soo Ritay Xanuunka Corona Virus Ee Dalka Mareykanka , Ayaa Waxa Ay  Kor U Dhaaftay Boqolaal Kun.