Ururada Bulshada Rayidka Ah oo Ka Hor Yimid Guddi ay magacaabeen Golaha Wasiirada.

0
66

Qaar ka mid ah  Ururada Bulshada Rayidka ayaa si kulul uga soo hor jeestay Xubnaha kamid noqonaya Guddiga Adeegga Garsoorka .

War qoraal ah oo ka soo baxay Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa  Looga Hadlay Magacaabista Golaha Adeega Garsoorka Dalka Oo Ay Ka Horyimaadeen Ururadu In Xukuumadda Hadda Jirtaa Ee Xil-Gaarsiinta Xukuumad Cusub Qaabilsan Ay Sameeyeen, Ayaa Axmed Maxamuud Guuleed Kaftamaaye Oo Isna U Hadla Bulshada Rayidka Ee Gobolada Dhexe Waxaa Uu Ku Tilmaamay Damac Siyaasadeed Oo Ay Leeyihiin Ururadaan.

 

Hadalkaas Ka Soo Yeeray Ururada Bulshada Rayidka Waxaa Aragti Ka Duwan Qaba Axmed Maxamuud Guuleed Kaftamaaye Oo Ka Mid Ah Dadka Bulshada U Hadlay Ee Ku Nool Gobolada Dhexe Ee Soomaaliya.

 

Waxaa Uu Sheegay In Ay Ku Garab Taagan Yihiin Dowladda In La Dhameeystiro Dhismaha Hay’adaha Dowladda Gaar Ahaan Golaha Adeega Garsoorka Dalka, Halka Uu Ururada Ku Eedeeyey In Uu Ka Dhex Guuxayo Damac Siyaasadeed Ee Aysan U Hadleen Bulshada Rayidka.