Deg-Deg:- Wariye Abuuja oo ka soo Hor muuqday Maxkamadda

0
130

 

Wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja Ayaa Manta Ka Soo Hor Muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya , Halkaas Oo Manta Laga Bilabaay Dhageeysiga Gal Dacwadeedka Loo Heeysto Wariyaha.

 

Hoolka Dacwadda Ay Ka Socotay Ayaa Waxaa Goob Jog Ahaa Ururada Kala Duwan Ee U Doodad Xuquuqda Saxafadda , Qareenada Difaacayay Wariyaha, Gudoomiyaha Maxkamadda Daraja Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sidda , Walidiinta Wariye Abuuja Iyo Dhinacyada Kale Ay Quseeyso Dacwadda.

 

Markii Ay Soo Dhamaatay Dhageeysi Kiiska Loo Heeysto Wariye Abuuja Oo Muddo Dhowr Bil Ah Si Aan La Aqoon Ugu Xirnaa Dowladda Ayuu Gudoomiyaha Maxkamadda Daraja Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sidda Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute Waxa Uu Ku Dhawaaqay In Maxkamadda Ay Go’aan Ka Soo Gaari Doonto.

 

Si Kastaba Wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja Oo Ahaa Tifaftiraha Idaacadda Hiigsi Ee Magaalada Muqdisho Ayaa Waxa Ay Horay  Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya U Sheegtay In Loo Heeysto Ka Mid Ahaan Shaha Ururka Alshababaab Iyo In Uu Qeeyb Ka Ahaa Dil Ka Dhacay Muqdsiho.