Shirka wadatashiga Beesha Muddulood oo ka Furmay Muqdisho.

0
88

Waxaa Goor Dhaw Si Rasmi Ah Magaalada Muqdisho Uga Furmay Shirweynaha Beelaha Muddoolood, Kaas Oo Looga Hadlayo Arrimo Dhowr Ah.

 

Shirka Oo Maalmihii La Soo Dhaafay Ay Qaban Qaabadiisa Ka Socotay Magaalada Muqdisho Ayaa Waxaa Isugu Yimid Waxgaradka , Cuqaasha, Siyaasiyiinta Iyo Dhalinyarada Mudulood.

Xassan Shiikh Maxamuud, Madaxweeynahii Hore Ee DFS , Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweeynahii Dowladdii Kumeel Gaarka Aheyd Ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, Cali Mahdi Maxamed, Maxamed Cabdi Waarre, Madaxweeynaha Hirshabeelle , Duqa Mudisho Cumar Filish, Wasiirka Amniga Islaw Iyo Madax Kale Ayaa Kulanka Ka Qeeyb Galeeysa.

 

Furitaanka Shirkan Oo Ah Mid Wadatashi Ah Ayaa Wuxuu Soo Maray Marxalado Kala Duwan, Waana Wejigii Labaad Oo Looga Arrinsanayo Aayaha Beelweynta Muddulood.

Shirkan Ayaana Waxa Uu Socon Doona Seddaxda Maalin Ee Soo Aaddan.