Xil. Nac Nac : “Waxaan Ka Hadlayaa Laydhka, Waxaanu Leenahay Madaxweynaha Shirkadda Dan-Guud Ha Laga Dhigo”.

0
64

Axmed Maxamed Diiriye (Nac-Nac)  Oo Ka Mid Ah Ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Xukuumadda Madaxweeyne Biixi Ka Dalbaday In Ay Wax Ka Qabato Shirkadaha Bixiya Adeegga Leydhadhka Ee Caasimadda Hargeysa.

 

Xildhibaan Nac-Nac Oo  Saxaafadda Kula Hadlay Magaalada Hargeysa, Ayaa Sheegay In Shirkadaha Laydhka Qaarkood Aanay Ogolayn In Aad Laydhkooda Iska Saarto Oo Aad Gurigaaga Gashato Laydhka Shirkadda Aan Lacteeda Bixin Karto, Taasina Tahay Mushkilad Taagan.

 

Xildhibaan Axmed  Ayaa Waxa  Uu  Madaxweynaha U Soo Jeediyey In Ay Dawladdu La Wareegto Maamulka Shirkadaha Bixiya Addeegga Korontada Caasimadda, Maaddaama Oo Shacabku Dhibaato Ku Qabaan Shirkadaha Laydhka Ee Midna Midda Kale U Ogolayn Inay Ka Shaqayso Deegaanka Ay Xadhkaheedu Maraan.

 

“Waxaan Ka Hadlayaa Laydhka, Waxaanu Leenahay Madaxweynaha Shirkadda Dan-Guud Ha Laga Dhigo, Haddayna Ku Heshiinayn Iyagu (Shirkadaha Laydhku), Waa Inay Dawladdu La Wareegto.”

 

Si Kastama Muddooyiinkii U Danbeeyay Ayaa Waxaa Qaar Ka Mid Ah Shacabka Ay Cabasho Ay Ka Muujinayeen Shirkadaha Adeegga  Korantada .