Dagaal Xoogan oo Ka Dhacay Deegaanka Deynuunaay ee Gobalka Baay.

0
93

Wararka ka imaanaya deegaanka deynuunay ee gobalka baay ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dawlada iyo ku alshabaab.

Dagaalka ayaa waxa uu ku bilaawmay ka dib markii dagaalyahano ka tirsan alshabaab ay weerar xoogan ku soo qaaden fariisimo ay ciidamada dawlada ku lahaayeen deegaanka deynuunay.

Dagaalka oo socday mudo ayaa waxa ka dhashay qasaaro isugu jira dhaawac iyo dhimasho leh, dhanka kale ciidamo ka soo ambabay magaalada baydha oo gurmad ahaan ugu soo socday deegaanka deynuunay ayaa jidka waxaa u galay dagaalyaho ka tirsan alshabaab iyada oo la beegsaday miinooyinka dhulka lagu aasa iyo rasaas toos ah.

Deegaanka deynuunaay oo hoostaga gobalka bay ayaa inta badan waxaa ka dhacay weeraro ay soo qaadaan dagaalyahanada ka tirsan alshabaab iyada oo halkaasna ka geesta qasaaro isigu jirta naf iyo maal.