DFS oo Hay’adaha Gar gaarka baaq u dirtay.

0
46

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Ayaa Ugu Baaqay Hey’adaha Ka Shaqeeya Gargaarka Inay Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Gurmad La Gaaraan Dadka Ay Saameeyeen Fatahaadaha Iyo Daadadka Ka Dhashay Deegaannada Kala Duwan.

Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Gargaarka Soomaaliya Ayaa Sheegay In La Joogo Waqtigii Uu Muuqan Lahaa Doorka Hey’adaha Gargaarka Ku Leeyihiin Bad Baadinta Nolosha Dadka.

Shir Jaraa’id Oo Uu Maanta Wasiirku Ku Qabtay Xafiiskiisa Ayuu Ku Faahfaahiyay Xaaladaha Fatahaadda Ee Saameeyay Deegaannada Ka Tirsan Gobolada Soomaaliya.

Wasiirka Wuxuu Ka Hadlay Saameynta Roobabku Ku Yeesheen Degmooyinka Afgooye Iyo Balcad Oo Ka Kala Tirsan Goballada Shabeellada Dhexe Iyo Shabeellada Hoose.

Wasiirka Ayaa Ugu Baaqay Hey’adaha Ka Shaqeeya Gargaarka In Ay Sida Ugu Dhaqsiyahabadan Uga Jawaabaan Xaaladdan Soo Cusboonaatay
Waxa Uu Tilmaamay In Dadka Barakacay Ay Qabaan Baahiyo Kala Duwan Ee Isugu Jira Dhinaca Cuntada, Hooyga.

Dhinaca Kale Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Waxa Uu Ka Hadlay Halis Cusub Oo Ku Soo Biirtay Diiwaanka Musiibooyinka Ka Dhaca Soomaaliya.

Xamsa Saciid Xamsa Waxa Uu Sheegay In Dabeylaha Oo Ku Cusub Soomaaliya Ay U Muuqdaan Kuwa Isa Soo Taraya, Isagoo Si Gaar Ahna Bulshada Kalluumeysatada Ah Uga Codsaday Inay Ka Feejignaadaan Dabeylaha Xagaaga Ee Into Badan Xilliyadaan Oo Kale Ka Dhaca Xeebaha Dalka Ayaa Saamayn Ku Yeeshay Dadka Ku Nool Deegaano Ka Mid Ah Dhulka Xeebaha Ee Soomaaliya.