Madaxweyne Farmaajo oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Ku Timid DRS Xaawo Cabdi.

0
153

Madaxweynaha jamuuriyada fedraalka ee soomaalya mudane maxamed cabdulaahi farmaayo ayaa ka tacsiyeeyey geridii ku timid allah u xariisto Drs xaawo cabdi oo ku geeriyootay magaalada muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegey in Drs xaawo cabdi ay aheed Drs u soo shaqeysay umada soomaaliyeed gaar ahaan dadka danta yar oo in badan caawinjir iyada oo u fidin jirtay adeegyo caafimaad oo bilaasha ah iyada oo ka soo shaqeysay isbitaalada ku yaala magaalada muqdisho intooda badan.

“Alle ha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe waxa ay baal dahab ah kaga jirtaa sooyaalka dalkeenna, maadaama ay si isxilqaan ah muddo badan ugu adeegaysay dadkeenna danyarta ah, saameyn wanaagsanna ay ku yeelatay nolasha kumannaan qoys oo Soomaaliyeed, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada ay u qabtay horumarinta dalkeeda iyo dadkeeda.” ayuu jiri farmaajo

Drs xaawo cabdi ayaa waxaa lagu xasuustaa is garab taagii ay usamaysay bulshada danta yar ee kunool soomaaliya gobaladiisa kale duwan oo gacan weyn ka geesan jirtay daryeelka bulshada.