Wariye Abuuja oo Maanta Xuriyadiisii Dib u Helay(Sawirro).

0
156

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta u fadhiisatay kiiskii dacwada lagu soo eedeeyey wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja oo mudo dhoor bilood ah ku jiray xabsi.

markii ay furantay maxkamada dacwadii loo haystay wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha maxkada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegey in baaritaan dheer ay sameeyeen ka dib ay cadaaday in wariye maxamed cabdiwahaab nuur abuuja in kiiskii dacwada aheen ee lagu soo eedeeyey uusan waxba ka jiran sidaas dardeedna uu amraayo in xuriyadiisa si dhaqsa ah la siiyo.

wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja ayaa waxa uu ka mid ayahay wariyaasha ka shaqeeya idaacadaha maxaliga ah ee ku yaala magaalada muqdisho isaga oo haayey xilka Tifaftiraha Idaacadda Hiigsi ee Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya War kasoo baxay 22-kii Bishii April ee Sanadkan waxaa ay ku sheegtay in loo heysto wariye abuuja kiis la xiriira in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab kana qeyb qaatay dil ka dhacay Muqdisho,hayeeshee ugu dambeyn Maanta ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida in dambi lagu waayay Wariyaha sidaasina Xabsiga looga siidaayay.