Ciiadamada Dowladda oo isaga Baxay Deegaano ka tirsan Gobalka Baay.

0
71

Wararka Naga Soo Gaaraya Deegaannada Deynuunay Iyo Goof-Gaduud Ayaa Sheegaya In Gebi Ahaan Ciidamada Dowladda Ay Isaga Baxeen Gacan Ku Heynta Deeganadaas.

 

Wararka Ayaa Sheegaya In Xubna  Ka Tirsan Al-Shabaab Ay La Wareegeen Deegaannada Ay Ka Baxeen Ciidamada Xoogga Dalka.

 

Deegaanka Goof-Gaduud Buurey Ayaa Waxa Hadda Gacan Ku Heeyntiisa La Wareegay Alshabaab Sida Ay Qaar Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Warbahinta U Xaqiijiyeen.

 

Dhanka Kale War Qoraal Ah Oo Ka Soo Baxay Al-Shabaab Ayaa Waxaa Lagu Sheegay In Ay Si Buuxda Ula Wareegeen Degaanada Goofgaduud Buurey Iyo Daynuunay Ee Gobalka Bay. Deegaanka Deynuunay Ayaa Waxaa Shalay Ka Dhacay Dagaal U Dhexeeyay Ciidamo Ka Tirsan Militariga Soomaaliya Iyo Dagaalamayaal Ka Tirsan Al-Shabaab, Iyadoona Dagaalkaasi Uu Khasaaro Soo Gaaray Dhinacyadii Dagaalamay.