Faahfaahino ka soo baxaya Dagaal ka dhacay Duleedka Beydhabo iyo Dowladda oo ka Hadashay.

0
81

 

Wararka Naga Soo Garaya Deegaanka Danuunaay Oo Qiyaasti Banaanka Ka Ah Magaalada Beeydhabo , Ayaa Waxaa Ay Sheegayaan In Halkaasi Dagaal Uu Ku Dhax Maray Ciidamada Dowladda Iyo Xubna Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab.

 

 

Janeraal Maxamed Shiikh Cabdulaahi  Taliyaha Qeybta 60-Aad Ee Ciidanka Xoogga Dowladda Ayaa Sheegay In Dagaal Oo Socday Muddo Ay Ku Dileen Xubna Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab , Oo Halkaasi Ku Sugnaa.

Taliyaha Ayaa Xusay In 16 Xubnood Oo Ka Tirsan Ururka Alshabaab Aya Ku Dileen Dagaalka , Iyo Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Magaciisa Lagu Sheegay Cabdicasiis Isaaq Nuuroow Abuu Yaxye.

 

 

Janeraal Maxamed Ayaa Sidoo Kale Xusay In Dagaalka Uuu Ciidanka Uga Geeriyooday Hal Sargaal , Iyo Seddax Ciidamada Ka Tirsana .

 

Si Kastaba Xaaladda Deegaanka Uu Dagaalka Ka Dhacay Ayaa Ah Mid Dagan Saakay, Iyadoo Weli Ciidamada Dowladda Ay Halkaasi Ka Wadaan Baaritaano Amni Xaqiijin Ah.