Qaraxa Lubnaan:- Argagax iyo quus kadib burburkii magaalada Beirut.

0
142

Qaraxii naxdinta badnaa ee talaadadii ka dhacay caasimada Lubnaan ee Bayruut, ayaa qabsaday warbaahinta carabta iyo kuwa caalamiga ah.

ka hor qaraxaani Arrinta ugu weyn ee walaac laga qabaa ee ay warbaahinta hadal heysay ayaa ahaa cudurka faafa ee ” Covid 19 ‘, saameyntiisa aafimaad iyo sida looga hortago mowjadda cusub ee xanuunka

Wargayska ‘The Guardian’, ayaa cinwaanka ugu weyn ee boggiisa ku soo qoray “Murugo iyo argagax ka jirta Bayruut, kadib markii qaraxi burburiyey magaalada”

Martin Shulov, oo ah wariyihii wargeyska ee Lubnaan, ayaa wuxuu qoray isagoo sharxaya xaaladda magaalada ka dib qaraxii weynaa.

“Ka dib markii ‘Uuradii iyo qiiqii’ madow ee qaraxii uu yaraaday, waddooyinka Bayruut waxay u muuqdeen kuwo burbur aad u xun soo gaaray. Xitaa goobo afar kiiloomitir u jiro goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sidaas noqday, dhismayaasha oo dhan waa ay burbureen, qaar kaloo badanna, ku-dhawaad dhammaan daaqadahooda waa ay daateen”

Qoraaga ayaa sidoo kale ka arkay waddooyin ay ka buuxaan muraayadaha waaweyn oo kala duwan, kuwaas oo qaarkood burburiyey baabuurta, iyo sidoo kale geedo waawayn oo uu qaraxii jaray, iyo dhiig qulqulaya waddooyinka caasimadda.

Qoraaga ayaa markii uu u soo dhowaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ee dekeda Bayruut isaga oo ka soo lugeeyey xaafadaha ku dhow yiri : indhaheyga ayaan ku arkay dhismayaal iyo makhaayadahii uu qaraxa dumiyay.

Wuxuu sheegay in xittaa toddobaadyo duqeymo joogto ah aysan geysan waxyeello noocan ah, intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Lubnaan “xitaa ma dhicin” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in heerka burburka ee gaaray uusan horay u soo marin magaaladaan ku caanbaxday taariikhdeeda dhiillada leh.

Qoraaga ayaa tilmaamay in markii ugu dambeysay ee Bayruut uu ka dhaco qarax ku dhow xajmi ahaan kan manta uu ahaa kii dhacay sanadkii 2005 ee lagu diley Ra’iisul Wasaarihii hore Rafiiq Xariri, kaas oo la filayo Xukunka kiiskiisa in ay ku dhawaaqdo maxkamadda caalamiga ah maalinta jimcaha, 7-da Agoosto. Waxaana laga cabsi qabaa in qaraxaani uu digniin hor dhac ah uu ahaa u go’aanka maxakmada ee la filaayo dhowaan.

Wariyaha Wargeyska The Guardian ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay Bayruut laga maqlay meel waqooyiga caasimada 80 KM ka xigta. Warbixinnada qaarna waxay sheegayaan in laga maqlay 250 KM meel u jirta oo ah jaziiradda Qubrus.

Qoraaga ayaa xusay in isla markii qaraxa dhacay, bulshada uu si dhakhso ah ugu faafay wararka aan sugnayn ee ku Sagan sababta qaraxa iyo in uu yahay shirqool la maleegay.

Madaxa Amniga ee Lubnaan ayaa beeniyay wararka ku-yiri ku-yeenka ah ama ku-tiri ku-teenka ah, wuxuuna soo jeediyay in mala-awaalka la iska yareeyo, isagoo xusay in goobta uu qarax ka dhacy ay ku jiraan qalab qarxi karo hadii uu khalad ku yimaado.

Laakiin qoraagu wuxuu sheegayaa in sharraxaadii madaxa guud ee Amniga uusan qof walba qancin.

“Wax sidan oo kale ahi kama dhicin taariikhda Lubnaan oo dhan. Waxay la mid ahayd nukliyeer (Nuclear), waxaan u maleynayaa inay ka dhasheen qaraxyo badan oo ka billowday bakhaarrada milatariga hub ku keydsaden”. waxa uu sheegayaa run miyey ka tahay? – “Shaki ayaan ka qabaa taas! ayuu yiri nin ku jira da’da soddomaadka oo ay soo xigatay the guardian.

Waxaa isku duway: Ustaad; Cabdulqaadir Kuul.