Itoobiya oo ka haday Qorsho Masar ka dhan ah.

0
103

Xukuumadda Adis Ababa Ayaa War Ka Soo Saartay Qorshe La Sheegay In Ay Dowladda Massar Sal Dhig Melateri Kaga Dhisato Deeganada Somaliland.

Dowladaha Massar Iyo Itoobiya Ayaa Muddooyinkii U Danbeeyay Waxaa Ka Dhexeyay Muran Xoogan Oo Ku Saabsan Biya Xireenka Ay Itoobiya Ay Dooneyso In Ay Ka Sameyso Wabiga Nille .

 

Afhayeenka U Hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya Oo Lagu Magacaabo Dina Muftiayaa Waxaa Uu Sheegay In Itoobiya Ay La Socoto Horumarada Ka Socda Somaliland, Ayna Ogyihiin Qorshada Masar Ku Dooneyso Inay Halkaas Uga Dhisato Saldhig Milateri.

 

Dina Mufti Ayaa Waxa Uu Sidoo Kale Sheegay  In Itoobiya Ay Kasoo Horjeedo Qorshadaas Ay Wado Masar Oo Uu Xusay In Lagu Doonayo In Khatar La Geliyo Danaha Iyo Deganaanshaha Dalkooda, Taasina Aysan Aqbali Doonin.

 

Afhayeenka Oo Sii Hadlayey Ayaa Sidoo Kale Waxaa Uu Xusay In Masar Tahay Dowlad Madax-Bannaan, Isla Markaana Ay  Xaq U Leedahay Inay Xiriir Wanaagsan La Yeelato Dal Kasta Oo Ku Yaalla Mandiqadda Geeska Afrika, Balse Xiriraas Uusan Noqon Mid Khatar U Keeni Kara Itoobiya.

 

Hadalka Ka Soo Yeeray Dowladda Itoobiya Ayaa Waxa Uu Ku Soo Adayaa Xilli  Dabayaaqadii Bishii La Soo Dhaafay Ee Luuliyo Ayaa Waxaaa Magaalada Hargeysa Socdaal Ku Tegay Wafdi Isugu Jira Saraakiil Ciidan Iyo Diblomaasiyiin Ka Socday Dowladda Masar, Iyagoona La Sheegay In Maamulka Somalilad Ay Kala Hadleen Sidii Ay Halkaas Uga Sameeysan Lahaayeen Saldhig Milateri Garaa Ahaan Dhulka Xeebta Ah.