Somaliland oo ka hadashy Xulafeysi ka dhan ah DFS oo ay la yeelaneyso Kenya.

0
48

Xukuumadda Soomaaliland Ayaa Ka Hadashay Dhankeeda Ajande Ay Dhawaan Ka Doodayaan Golaha Wasiirada Dowladda Kenya,Kaas Oo Ku Aadan Kenya In Ay Aqoonsato Somaliland.

 

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo La Hadlay Warbaahinta Ayaa Sheegay Inay Soo Dhaweynayaan Doodaas,Isla Markaana Kenya Ay Tahay Dal Ay Deris Yihiin Xiriir Badana Uu Ka Dhaxeeyo.

 

 

“Kenya Waa Dal Aynu Jaar Nahay, Waa Dad Aynu Xiriir Dhinacyo Badan Leh Leenahay, Wefdiyo Culus Ayey Marar Badan Inoo Soo Direen, Inaguna Sidaas Si La Eg Wefdiyo Ayeynu U Dirnay, Marka Iskaashiga Aynu La Leenahay Weynu Sii Adkaynaynaa, Haddii Ay Qadiyaddeena Iyo Aqoonsigeena Ka Doodayaan Waanu Soo Dhaweynaynaa Kenya Ayuu Yiri” Wasiir Faratoon”

 

Dhanka Kale Wasiir Faratoon Ayaa Isaga Oo Mar  Ka Hadlayay Isbedelada Ka Socda Gobalka Waxa Uu Sheegay In Ay Xiriirka Wanaagsan Ay La Leeyihiin Beesha Caalamka Ayna Diyaar U Yihiin Inay Sii Xoojiyaan Maadaama Ay Halgan Ugu Jiraan Sidii Ay U Heli Lahaayeen Aqoonsi.

 

Si Kastaba Somaliland Oo Maamul Ahaan Ka Madaxbanaan Maamulada Soomaalida Inteeda Kale, Balse Aan Weli Aqoonsi Caalami Ah Helin Ayaa Waxa Ay Muddooyinkii Danbe Ay Wadday Dadaalo Ay Galaan Gal Kula Yeelaneyso Dalalka Caalamka.