Ciidamada Dowladda oo Howlgalo Qorsheeysan ka Fuliyay Deegaano ka tirsan G/Shabeellada Hoose.

0
76

Wararka Naga Soo Gaaraya Gobalka Shabeellada Hoose Ayaa Sheegaya In Ciida Ka Tirsan Kuwa Dowladda, Ay Howl Galo Qorsheeysan Ay K Fuliyeen Deegaano Ka Tirsan Gobalkaas.

Howl Galadaan Ayaa Waxa Ay Ka Dhaceen Deeganada Awdheegle, Mubarak Iyo Daarusalaam Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha Howlgalka Ciidamada Hogaaminaysay Oo La Hadalay Warbaahinta Dowladda Ayaa Sheegay In Howlgalka Lagu Dilay Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabaab, Kaas Oo Magaciisa Lagu Sheegay Cismaan Gaab .

Generaal Odowaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Oo La Hadlay Warbaahinta Dowladda Ayaa Sheegay In Ay Howlgalka Ciidanka Xoogga Dalka Ka Fuliyeen Shabeellaha Hoose Ku Dileen Sarkaalkii Al-Shabaab Uqabilsanaana Deegaanada Awdheegle, Mubarak Iyo Daarusalaam.

Si Kastaba Ciidmada Xoogga Dalka Ayaa Muddooyinkii U Danbeeyay Deegaano Ka Tirsan Gobalada Dalka Ka Waday Howlgalo Qorsheeysan Oo Amni Xaqiijin Ah.