Deni oo Bixiyay Lacag lagu dhisayo Garoon Ciyaareeyd.

0
70

Saciid Cabdullahi Deni Madaxweeynaha Maamul Gobaleedka Puntland Ayaa Maanta  Si Rasmi Ah U Bixiyay Lacago Uu Horay Ugu Balan Qaaday Dhalinyarada Maamulka Puntland ,In Loogu Dhiso Garoon Lagu Ciyaaro Kubadda Cagta.

Deni Ayaa Kulan Uu Horay Ula Qaatay Dhalinyarada Maamulkas Sheegay Inuu Bixinayo Lacag Badan Oo Lagu Dhameystirayo Garoonka Kubadda Cagta Ee Cawaale Stadium, Isagoo Maanta Baxshay Kala Bar Kamid Ah Dhaqaalihii Uu Horay Ugu Balan-Qaaday.

 

Madaxweeynaha Ayaa Horay Waxa Uu U Balan Qaaday In Uu Bixinayo Lacago Dhan $186,238.89, Dolar Kuwaas Oo Lagu Dhameystirayo Dhismaha Garoonka Ciyaaraha Cawaale.

Lacagtaan Ayaa Waxaa Sidoo Kale La Sheegay In Ay Qeeyb Ka Aheyd Misaaniyadda Maamulka Puntland .

Guddiga Dhismaha Garoonka Cawaale Stadium Ee Magaalada Galkacayo Ayaa Maanta Maamulka Puntland Kala Wareegay Wejiga Koowaad Ee Lacagtaaas Oo Dhan $95,000,000 .

 

Si Kastaba Dhinaca Kale Dhallinyarada Ayaa Uga Mahadceliyey Madaxweyne Deni Sida Maamulka  Iyo Hoggaaminta Dalka Uu Door Muhim Ah Uga Siiyey, Sidoo Kale Waxay Dhallinyaradu Soo Dhoweeyeen Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland.