Madaxweeynaha Galmudug oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Turkiga

0
80

Aaxmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor Madaweeynaha Maamul Gobaleedka Galmudug Oo Ku Sugan Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga , Ayaa Xalay Halkaasi Waxaa Loogu Sameeyay Kulan Soo Dhaweyn Iyo Casha Sharaf Isugu Jira.

 

Kulanka Oo Ay Gob Jog Ahaayeen Ardayda Somaaliyeed Ee Wax Kabarata Gudaha Dalka Turkiga, Aqoonyahanada,Ganacsato, Siyaasiyiin  Iyo Qeeybaha Kale Ee Bulshada , Ayaa Intii Uu Socday Waaxaa Is Xogwareysi Iyo Soo Dhaweyn Loogu Sameyay Madaxweeynaha Iyo Wafdigiisa.

 

Madaxweeynaa Galmudug Oo Ka Hadlay Kulanka Ayaa Ugu Horeyn U Mahad Celiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Dalka Turkiga Iyo Wax Garadka Reer Galmudug.

 

Qoor Qoor Ayaana Gaba Gabada Kulanka Waxa Uu Ugu Baaqay Marti-Sharafka Kala Duwan Ee Ka Soo Qeeyb Gashay In Ay Ka Shaqeeyaan Nabadda Iyo Xasiloonida Dalka.