Wasiirka Amniga Hirshabeelle oo sheegay in Shabaab kii ugu badna yimaadeen Deeganada Maamulkaas.

0
71

Maxamed Cabdiraxamaan Kheyre Wasiirka Wasaaradda Amniga Ee Maamul Gobaleedka  Hir-Shabeelle Ayaa Sheegay In Muddooyinkii U Danbeeyay Ay Culeeys Xoogaan Kala Kulmeen Sugidda Amaanka Deeganada Maamulkaasi , Gaar Ahaan Wadada Xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho & Jowhar .

 

Wasiirka Ayaa Sheegay In Kooxa Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab Oo Ka Soo Cararay Howlgalada Ay Ciidamada Ka Wadaan Gobalka Shabeellada Hoose Ay U Soo Wareegeen Qeyba Ka Mid Ah Deeganada Maamulka Hirshaballe.

 

 

Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre Oo La Wareysi Siiyay Laanta Afka Soomaaliga Ah Ee VOA-Da Ayaa Sheegay In Tiradii Ugu Badneyd Ee Xubna Ka Tirsan Al-Shabaab Ay Soo Gaareen Deeganada Uu Ka Arimiyo Maamulka Hirshabeelle.

 

Wasiirka Ayaa Sheegay In Qul Qulka Al-Shabaab Ee Gobalada Hirshabeelle Ay Kala Kaashadeen Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Ah .

 

Si Kastaba Ururka Al-Shabaab Ayaa Muddooyinkii U Danbeeyay Waxa Ay Weeraro Dhabba Gal Ah Iyo Jidgooyooyin Ka Sameeyaan Deegaano Ka Tirsan Maamulka Hirshabeelle.