Faahfaahino ka soo baxay Dagaal ka dhacay Deegaan Hoostaga Bacaadweyne.

0
77

Warar Dheerad Ah Ayaa Ka Soo Baxaya Dagaal Khasaare Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac Geeystay Oo Ka Dhacay Deegaan Hoostaga Degmada Bacaadweyne Ee Gobalka Mudug.

 

Deeganka Shabeeloow Oo Qiyaastii 20km U Jira Degmada Bacaadweyne Ayaa Dagaal Waxa Uu Ku Dhax Maray Qaar Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Iyo Ururka Al-Shabab.

 

Illa Iyo Hadda Inta La Xaqiijiyay  5 Qof Ayaa Ku Dhimate Tiro Intaa Ka Bandanna Dhaawac Ayaa Ka Soo Gaaray.

 

Axmed Daahir Macalin  Guddoomiyaha Deegaanka Bacadweyne Ayaa Sheegay In Dagaalka Uu Ka Dambeeyay,Kadib Markii Ay Al-Shabaab Afduubteen Qaar Kamid Ah Dadka Degaanka Oo Uu Ku Jiro Sheekh Caan Ah,Isla Markaana Dadka Degaanka Oo Ka Carooday Ay La Dagaalameen Al-Shabaab.

 

Dhanka Kale Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowlad Gobaleedka Galmudug Ayaa Ku Baxay Dagaalka, Kuwaas Oo Dhankooda Saanad Gaarsiiyay Dadka Deegaanka Oo Shabaab La Dagaalayey.