Qoor Qoor oo dalka Dib ugu Soo laabtay.

0
105

Madaxweeynaha Maamul Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor , Ayaa Manta Dib Ugu Soo Laabtay Dalka Kadib Muddo Uu Dalka Dibadiisa Howla Shaqo Ugu Maqnaa.

 

Madaxweeynaha Ayaa Markii Uu Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdiso Ee Aden Cadde Uu Kasoo Dagay Ku Soo Dhaweeyay Garoonka Wasiiro, Xildhibaano ,Waxgarad Iyo Mas’uuliyiin Kala Duwan.

 

Axmed Cabdi Kaariye Ayaa Waxa Uu Sidoo Kale Kaga Mahad Celiyay Mas’uuliyiintii Garoonka Ku Soo Dhaweeysay , Soo Dhaweeyntooda.

 

Socdaalka Madaxweeynaha Ayaa La Filaya In Uu Maalinta Beri Ah Ugu Sii Gudbo Magaalada Dhuusa-Mareeb Ee Caasimadda Maamul Gobaleedka Galmudug, Halkaas Oo Malin Kadib Shir Madaxeed Heerkiisu Sareeyo Uu Ka Furmi Doono.