Roobab Bur buriyay Xarumo Degmo oo ka da’ay Somaliland.

0
82

Khasaara Kala Duwan Ayaa Ka Dhashay Robab Dabeylo Watay Oo Saacadihi La Soo Dhaafay Ka Da’ay Deegaano Hoostaga Magaalada Hargeysa Ee Caasimadda Somaliland.

 

Roobabka Oo Khasaaro Hantiyaeed Geeystay Ayaa Waxa Ay Bur Buriyeen Sidoo Kale Xaruntii Uu Ku Shaqeeynayay Maamulka Gobalka Maroodi Jeex. Ee Degmada Sallaxley.

 

Jaamac Xaaji Axmed Gudoomiyaha Gobalka Maroodi Jeex Ayaa Sheegay In Goobaha Roobabku Ay Saameynta Ay Ku Yeesheen Ay Ka Mid Ahaayeen Isbitaalo, Xaruma Waxbarasho , Guryo Iyo Xarunta Maamulka Degmada Sallaxley.

 

Gudoomiyaha Oo Sii Hadlayay Ayaa Sheegay In Aysan Jirin Dad Ku Dhinta Roobabkii Saacadaha La Soo Dhaafay Ka Da’ayey Gobalka Balse Ay Jirto Qof Dumar Ah Oo Uu Dhaawac Ka Soo Gaaray Gurigeedii Oo Ku Soo Dumay, Haddana Xaaladeeda Caafimaad Lagula Tacaalayo Isbitaalka.