Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dawlada oo Ka Dagay Gobalka Gedo.

0
82

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarad sidday ku dhawaad 100 askari oo ka tirsan Guutada Gorgor ka dejisay degmada Doolow ee gobolka Gedo Koonfurta Somaliya.

Ciidamadaan ayaa waxaa hor kacayay taliyaha xasilinta gobolka Gedo Bakaal Kooke oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana uu ka waday Ciidamadan Muqdisho.

Ciidankaan oo saanadooda Militari ay u dhameystiran tahay ayaa diyaarad gaar looga qaaday Muqdisho, waxaana hadda ay ku sugan yihiin Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Ciidamada Gorgor ee Gobolka Gedo jooga ayaanan qaadin hawlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, marka laga reebo inay hawlgalo ka sameeyaan Magaalooyinka ay hadda kaga sugan yihiin Gobolka Gedo.