Dawlada oo Sheegtay in uu Waqtigiisa ku Qabsami Doono Shirka Dhuusamareeb.

0
99

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in walaac laga qabo in uu baaqdo shirka Dhuusamareeb ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay shaacisay in shirkaasi uu dheci doono 15-bishan aynu ku jirno.

Saalax Axmed Jaamac Siihayaha  Wasiirka Dastuurka Xukuumadda  federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaasi uu dhici doono, haddana ay wadaan qaban-qaabadii ugu danbeysay ee ku aaddan sidii shirkaasi uu u dhici lahaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maamulada Jubaland iyo Puntland ay wali ka biya diidsan yihiin shirka, balse waxaa uu sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in ay kasoo qayb galaan shirka loogu ballansan yahay in 15-ka bishan uu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Shirka dhuusa mareeb ayaa gogashiisa waxaa fidiyey Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye qoorqoor si ay ugu wada hadlaan madaxda maamul gobaleedyada iyo dowlada fedraalka ee soomaaliya si loogu xaliyo waxii madmadoow ah ee ka dhexjiro.