Galmudug oo Ku Dhawaaqday Dagaal ka Dhan ah Al-shabaab.

0
89

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug & wasiirka amniga ayaa ku dhawaaqay in uu bilowaday dagaal ka dhan ah AL-shaab oo loga saarayo goobaha   ay kaga suganyihin deegaanada maamulka galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaadeen  in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Maamulka Galmudug,waxa ay xuseen in howlgalka lagu saarayo dagaalamayaasha  Al-shabaab ay iska kaashan donaan ciidamada dowlada iyo beesha caalamka,iyagoo dhinaca kale kula dardaarmay dadka Gobolkaasi in ay gacan ka geystaan la dagaalanka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa maamula deegaano ka tirsan maamulka kalmudug sida magaalda ceelbuur iyo deegaano kale oo hoos taga maamulka kalmudug.

Hadaladaan ka soo yeeray Madaxda Galmudug ayay imaanaya  xili ay booqdeen deegaanka Shabeeloow oo ay ku  dagaalameen  dad shacab ah iyo  Al-shabaab