Wasaarada Amniga iyo Taliska Booliska oo Kulan La Yeeshay Guddiga Arrimaha gudaha, Amniga iyo maamulada gobolada ee Golaha Shacabka.

0
78

Guddiga Arrimaha gudaha, Amniga iyo maamulada gobolada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xarunta Villa Hargeysa kula kulmay Siihayaha Xilka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Xildhibaan C/naasir Saciid Muuse iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Xijaar.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa isxogwareysi ku saabsan xaalada amni ee dalka, waxaana wasaarada Amniga iyo Taliska Booliiska ay guddiga la wadaageen warbixin ku saabsan Amniga Qaranka iyo horumarada laga gaaray.

Taliyaha Booliska Somaliya ayaa Guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan Xaaladda Ciidamada Booliska & sida looga hortago falalka amnidarada ee ka jira dalka.

Kulanka uu gudiga la qaatay wasaarada amniga iyo hogaanka booliska yaa ku aadaya iyada oo maalo ka hor ay shaqaaqob ka dhacday xabsiga dhexe xamar hal kaasi oo ay ku xirinyihin maxaabiis ku eedeesan danbiyo kala duwan.