Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay Shirka Dhuusa-mareeb.

0
44

Jimciyadda Ay Quruumaha Ay Ka Dhaxeeyso Ayaa War Ka Soo Saaray Shirka Dhawaan La Filayo In Magaalada Dhuusa-Mareeb Uu Ku Dhex Maro Madaxda Dowladdaha Xubnaha Ka Ah Dowladda Dhexe Iyo Madaxda Dowladda Federaalka ,Iyagoona Sidoo Kale Baaq U Diray Maamulada Qaar.

 

Beesha Caalamka Ayaa Sheegtay In Maqnaashaha Shirka Dhuusa Mareeb Ee Maamulada Jubbaland Iyo Puntland Uu Keeni Karo Is Afgaran Waa Hor Leh.

 

Warka Ka Soo Baxay Beesha Caalamka Ayaa Lagu Sheegay In Doorashada Soomaaliya Ay Ka Hartay Wax Ka Yar Saddex Bilood Loona Baahan Yahay In Si Weyn Loo Ilaaliyo Waqtiga Doorashooyinka.

 

“Hawsha Guddiga Farsamada Ee Loo Xilsaaray Inuu Ka Soo Baaraandego Soona Diyaariyo Talooyinka Hanaanka Doorashada Ee Ay Madaxdu Isla Qorfeyn Doonaan Ayaa Lagama Maarmaan U Ah Guusha Shirweynaha La Sugayo” .

 

Beesha Caalamka Ayaa Sidoo Kale Sheegtay In Ay Walaac Xoogan Ay Ka Qabto Maamulada Qaar Oo Aan Wakiiladooda Aan Weli La Arah.

“Waxaan Ka Walaacsanahay In Qaar Ka Mid Ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha Ka Ah Dowladda Federaalka Aan Weli Guddiga U Soo Dirin Wakiilladooda. Waxaan Ku Boorinaynaa Inay Wakiilladooda U Ogolaadaan Inay Ka Qaybqaataan Hawsha Guddiga, Oo Durbaba La Billaabay, Inta Ay Sii Wadaan Wadahadallada Ay Kula Jiraan Hoggaanka Dowladda Federaalka Si Loo Xalliyo Arrimaha Weli Taagan”

 

Si Kastaba Warka Warka Beesha Caalamka Ayaa Kusoo Beegmaya Xilli Manta Uu Baaqday Shirkii La Filayay In Uu Dhuusa-Mareeb Ka Furmo.