Madaxweeyne Farmaajo oo ka Qeeyb galaya Shirka Dhuusa-mareeb.

0
40

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ah Ee Soomaaliya Ayaa La Filaya In Saacadaha Soo Socda Uu Gaaro Magaalada Dhuusa-Mareeb Ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Galmudug, Halkaas Oo Uu Madaxweeynahu Kaga Qeeyb Gali Doono Shirka Dhuusa-Mareeb 3.

 

Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Ayaa Sheegay In Dhawaan Madaxweeynahu Uu Safaar Ku Tgayo Dhuusa-Mareeb.

 

Agaasime Cabdinuur Ayaa Yiri : “Iyada Oo La Tixraacayo Dadaallada Socda Ee La Xiriira Dowlad-Dhisidda Iyo Sidii Loo Xoojin Lahaa Wadashaqeynta Ka Dhaxeysa DFS Iyo Dowladdaha Xubnaha Ka Ah, Horena Loogu Sii Dhaqaajin Lahaa Wada Hadalladii Socday, Ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo U Safri Doonaa Berri Magaalada Dhuusamareeb Si Uu U Hoggaamiyo Wareegga Labaad Ee Shirka Wadatashiga”.

 

Si Kastaba Shirka Dhuusa-Mareeb 3 Ayaa La Qorsheeyay In Uu Qabsoomo Manta Oo Sabti Ah Balse Dib U Dhac Uu Ku Yimid Kulankaasi.