Faafaahino ka soo baxaya Dagaal Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhex maray Gobalka Jubbada Hoose.

0
47

Wararka Ka Imaanaya Duleedka Magalaada Kismaayo Ee Xarunta  Gobolka Jubbada Hoose In Dagaal Culus Uu Ku Dhex Maray Ururka Alshabaab Iyo Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda .

Dagaalka Oo Muddo Saacado Ah Socday Ayaa Waxaa Leysku Adeegsaday Hub Cul Culus , Wallow Aan Illaa Iyo Haatan Aanan Jirin Cid Ka Hadashay .

 

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Dagaalka Hogaaminayay Ayaa Sheegay In Ay Jibiyeen Al-Shabaab Kii Ay La Dagaalameen.

 

Dagaalka Ayaana Ka Dhacay Deeganka Janaay Cabdalla Oo Duleedka Ka Ah Magaalada Kismaayo Ee Gobalka Jubbada Hoose.

 

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Ee Aaga Degaannada Buulo-Gaduud Iyo Janaay Cabdalla Ayaa Sheegay In Al-Shabaab Ay Weeraradaas Uga Dileen Laba Ka Tirsan Al-Shabaab,Sidoo Kalena Ay Kusoo Furteen Laba Qoray Oo AK47 Ah.