Wararkii ugu Danbeeyay ee Qaraxii Elite Hotel

0
93

Faah-Faahinno  Dheeraad Ah Ayaa Kasoo Baxaya Weerar Ku Bilaawday Qarax Oo  Galabta Ka Dhacay Hoteel Elite Ee Magaalada Muqdisho.

 

Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkaas Ayaa Waxaa Kasoo Baxaya Warar Kala Duwan, Waxaana La Sheegay In Dad Shacab Ah Iyo Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Ay Ku Geeriyoodeen.

 

Wareerka Ayaa Marki Hore Ku Billawday Gaari Waxyaabaha Qarxa Laga Soo Buuxiyay Ayaa Markii Danbe Rag Hubeysani Waxaa Ay Gudaha U Galeen Hoteelka, Kuwaas Oo Billaabay Dagaal Toos Ah.

 

 

Dhimashada Rasmiga Ah Wali Lama Shaacin Balse Waxa Jira Warar Sheegaya In Weerarkaas Ay Ku Dhinteen Ku Dhawaad 15 Ruux Oo Isugu Jira Dad Shacab Ah Iyo Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda, Sidoo Kale Dhaawaca Ayaa Intaas Ka Badan.

Dadka Weerarkaan Ku Dhintay Ayaa Waxaa Kamid Ah Sida La Sheegay Agaasimihii Xiriirka Goboladda Ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi, Sidoo Kale Waxaa Ku Dhaawacmay Waxaa Kamid Ah Wasiirka Howlaha Guud Ee Galmudug Axmed Washiton, Sawirqaade Maxamad Caraaye Foorno Oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Ka Tirsan Iyo Fanaanad Faiza.

Waxaa Jira Dad Shacab Ah Oo Dagaalkaas Ku Waxyeellobay Kuwaas Oo La Gaarsiiyay Cusbitaalada, Waxaana Ilaa Iyo Hadda Aan La Xaqiijin Tirade Rasmiga Ah Eek U Dhimatay .