Shiikh Shariif oo Baaq adag u diray DFS.

0
52

Sheikh Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Xiligii Dowladdii KMG Ahna Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Ayaa Faahfaahin Ka Bixiyay Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka.

 

Shariif  Sheikh Axmed Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Madaxda Dowladda Qorshaha Ugu Jirin Inay Qabtaan Doorasho Sidoo Kalena Aysan Diyaar U Aheyn In La Xaliyo Khilaafaadka Siyaasadee Ee Jira.

 

“Waxaan Aaminsanahay In Madaxda Dowladdu Aysan Daacad Ka Ahayn Heshiis Laga Gaaro Xasaradda Siyaasadeed Ee U Dhaxeysa Iyaga Iyo Dowlad Goboleedyada, Sidoo Kalena Aysanba Qorshaha Ugu Jirin Qabashada Doorasho Heshiis Lagu Yahay.

 

Sidoo Kale Sheekh Shariif Waxaa Uu Sheegay In Dalkaan Laga Keennay Meel Aad U Adag, Sidaa Darteed Marna Oggolaan Karin In Aayaha Iyo Masiirka Ummaddu U Afduubnaado Ashkhaas Kursiga Inay Sii Joogaan Kaliya Raba, Isaga Oo Ka Digay Dhibaato Uu Sheegay Inay Nu Muuqato Oo Madaxda Wakhtiga Uu Kasii Dhammaanayo Ay Ismoodsiinayaan.

Xaqiiqdii Dalkaan Waxaan Ka Keennay Meel Aad U Adag, Sidaa Darteed Marna Ma Oggolaan Karno In Aayaha Iyo Masiirka Ummaddu U Afduubnaado Ashkhaas Kursiga Inay Sii Joogaan Kaliya Raba.

Waxaan Ka Digeynaa Dhibaato Noo Muuqata Oo Madaxda Wakhtiga Uu Kasii Dhammaanayo Ay Ismoodsiinayaan, Waxaana Caddeyneynaa In Aan Marnaba Laga Aqbali Doonin In Maalin Ay Kursiga Sharci Darro Kusii Joogaan.

 

 

Ugu Dambeyn Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Ahna Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Ayaa Uga Digay Guddoonka Golaha Shacabka Inay Ka Fiirsadaan Tallaabooyinka Aan Dastuuriga Ahayn Ee Ay Ku Dhaqmayaan, Iyadoo Ujeedku Yahay In Xil-Kordhin Ay U Xalaaleeyaan Madaxtooyada Waa Sida Uu Hadalka U Dhigay.

Sidoo Kale Waxaan Uga Digeynaa Guddoonka Golaha Shacabka Inay Ka Fiirsadaan Tallaabooyinka Aan Dastuuriga Ahayn Ee Ay Ku Dhaqmayaan, Iyadoo Ujeedku Yahay In Xil-Kordhin Ay U Xalaaleeyaan Madaxtooyada.

 

Hadalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Ayaa Waxaa Uu Kusoo Aadayaa Xilli Weli Aan Xal Rasmi Ah Laga Gaarin Arrimaha La Xiriira Doorashada Soomaaliya,Isla Markaana Shirkii Go’aan Looga Gaari Lahaa Ay Hortaagan Tahay Caqabado Uu Ku Furmi La’ayahay.