Abdirahman Abdishakuur oo Booqday Qolkii Dadka badan Badbaadiyay.

0
78

Siyaasiga Hogaaminaya Xisbi Siyaasadeedka Wadajir, Ee Abdirahman Abdishakuur Warsame Iyo Tiro Mas’uuliyiin Ah Ee Uu Hogaaminayo Ayaa Manta Booqday Hotel Elite Oo Maalma Ka Hor Ay Ururka Al-Shabaab Weerar Ku Qaadee.

 

Abdirahmaan Abdishakuur Ayaa Waxaa Ku Soo Dhaweeyay Hoteelka Milkiilaha Hotel-Ka Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur .

 

Wafdiga Uu Hogaaminayay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Ayaa Waxa Ay Soo Booqdeen Goobaha Ay Bur Buriyeen Qaraxyada Iyo Rasaasta Ay Ridayeen Kooxahii Weerarka Soo Qaaday.

 

Intaa Kadib Siyaasiga Ayaa Kuan Isxog Wareeysi Ah La Qaatay Milkiilaha Hotelka Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur , Iyagoo Ka Wada Hadlay Arimo Dhowr Ah.

 

Kulanka Kadib Ayaa Abdirahmaan Abdishakuur Warsame Waxa Uu Qoraal Kooban Uu Soo Dhigay Bartiisa Fcebook-Ka Ku Yiri:

Waxaan Maanta Booqday Hotel Elite Oo Maalmo Ka Hor Argagexisada Alshabaab Weerareen. Waxaan Barxada Hotelka Shaah Kula Cabay Milkiile Xildhibaan C/Laahi Maxamad Nuur. Waa Ganacsade Geesi Ah Oo Ay Ka Go’an Tahay In Uu Hoteelka Dib U Hawlgeliyo, Muujiyana Adkaysi Iyo In Aan Loo Nuglaan Argagexisada”.