Natiijada Imtixaankii Shahaadiga oo uu Shaaciyey Maamulka Gobalka Banaadir.

0
99

Maamulka gobalka banaadir ayaa shaaciyey natiijada imtixaankii fasalka 8 aad ee dugsiga dhexe taas oo ay qaadi jirtay wasaarada waxbarasha dawlada fedraalka ee soomaaliya.

Kusimaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Md. Axmed Xasan Iimaan, ayaa ugu horeyn ku amaanay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir dadaalka ay muujiyeen mudadii yareed tan iyo markii Gobolka Banaadir uu Wasaarada Waxbarashada kala wareegay Maamulida Waxbarashada Gobolka Banaadir.

wasaarada waxbarashada ayaa ku wareejisay maamulka gobalka banaadir masuuyida waxbarasha dugsiyada ku yaala gobalka banaadir in uu qaado maasuuliyada goobah waxbarasha ku yaala gobalka.

Ugu dambayntii waa markii ugu horeysay muddo 30-sano kadib uu Maamulka Gobolka Banaadir qaado Imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banaadir ee Caasimada dalka Soomaaliya.