Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Shaqo ka joojin ku Sameeyay Taliyihii Degmada Cabdicasiis.

0
92

Taliyihii saldhiga degmada cabdicasiis ayaa lagu sameeyey shaqa joojin kadib weerarkii ka dhacay xeebta liido ee degmada cabdicasiis oo uu taliyo u ahaa.

weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee ku yaala xeebta liida ee degmada cabdicasiis ayaa sababay in lagu sameeyo taliya shaqa joonin iyada oo xabsiga loo taxaabay qaar ka mid askartii ku qornaa ilaalin barta kontorool ee laga lag ilaaliyo wada aada xeebta liida ku waax oo lagu eedeeyey in ay lug ku lahaayeen fudadeenta weerarkaasi.

weerkii lagu qaaday hoteelkaas ayaa waxaa ka dhashay qasaaro farabadan oo isugu jira dhimasho dhaawac iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray hoteelka iyo nawaaxigiisa.

si kastaba ha ahaato waxaa shaki iyo hadalheen badan laga keenay sida fudud ee ugu suurta gashay in ay ku kudbaan raga hubeesan iyo gaariga ka buuxay waxyaaba qarxa xeebta liida oo si aad ah loo ilaayo wadooyinka gala.