Wasiirka Waxbarashada DFS oo Amar Ku Bixiyey in Dalka Laga Buriyo Agasimaha CARE international.

0
62

Siihayaha xilka wasiirka waxbarasha dawlada fedraalka ee soomaaliya cabdulaahi goodax bare ayaa warqad ka soobaxday xafiiskiisa lagu sheegey in dalka laga buriyo agaasimaha hay’adda CARE international xafiiska soomaaliya Iman Abdullahi.

wasiirka ayaa ku eedeeyey iman inuu faragalin ku haayo arimaha gudaha siyaasada soomaaliya isga oo sheegey inuu iska horkeenaayo deeqbixiyaasha caalamka iyo saaxibada waxbarasha sida uu hadalka u dhigey wasiirka waxbarashada dawlada fedraalka ee soomaaliya cabdulaahi goodax bare.

Dowladda Soomaamliya ayaa horay waxaa ay u cayrisay  madax hay’ado caalami ah, waxaa Iman Abdullahi  ka horreeyay in dowladdu ay horay u cayrisay Ergeygii gaarka ahaa  QM Soomaaliya u qaabilsanaa Nicholas Haysom.