Ciidamada Dowladda oo ka Hortagay Weerar Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidan.

0
48

Warar Hor Leh Ayaa Ka Soo Baxaya Dagaal Culus Oo Xubna Ka Tirsan Ururka Alashabaab Iyo Ciidamada Dowladda Ku Dhex Maray  Degmada Baar Dheere Ee Gobalka Gedo .

 

Dagaalka Ayaa Yimid, Kadib Markii Xubna Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab Ay Weerar Ku Qaadeen Saldhiga Ciidamada Ay Dowladda Ay Ku Leeyihiin Degmada Baardheere Ee Gobalka Gedo .

Weerarka Ayaa Sidoo Kale Ahaa Mid Saacaado Badan Socday , Qaar Ka Mid Ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Ayaa Sheegay In Ay Iskacaabiyen Xubnahii Weerarka Soo Qaaday.

 

Qaar Ka Mid Ah Dadka Degmada Baardheere Ayaa Waxaa Ay Sheegeen Inay Maqlayeen Dhawaqa Rasaasta Ay Isku Adeegsanayeen Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab, Hayeeshee Aysan Cadeyn Karin Khasaaraha Ka Dhashay Maadaama Ay Aheyd Xilli Habeen Ah.

 

Si Kastaba Xaaladda Degmada Baardheere Aya Saakay Ah Mid Daggan Waxana Howl Galo Subaxii Ore Ka Sameeyay Ciidamda Dowladda, Iyadoo Hadda Isku Socodka Gadiidka Iyo Dadweeynaha Uu Dib U Bilaawday.