Duqa Muqdisho oo Dib ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho.

0
140

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galay Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin Maamulka Sare ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaal iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ka mid ahaa saxiixayaasha Heshiiskii Hannaanka doorashada, waxaana Gobolka Banaadir uu ka mid ahaa Xubnihii qeybta ka ahaa Guddiga Farsamada.