Maamulka Jubbaland oo Xukuna Kala Duwan Ku Riday Askar Maamulkaasi Ka Tirsan.

0
127

Maxkamadda Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Askariga xukunka dilka lagu riday ayaa wuxuu ku eedeysnaa dil uu u gaystay Marxuum la oran jiray Cabdi Muxumed oo ahaa nin shacab ah.

Faarax Cabdi Rashiid Cilmi oo maxkamadda ay xukuntay ayaa waxaana uu ka mid ahaa Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Cabdalla Biroole ku sugnaa.

Garsooraha Maxkamadda Ciidamada Maamulka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay cadeymo & marqaatiyaal in lagu helay eedeysanaha.

Maxkamada ayaa sidoo kale sadex sanno oo xabsi ciidan ah ku riday  eedaysane Maxamed Rashiid Muxumed oo isagana ahaa askari ka tirsan ciidmada daraawish-ta Jubbaland.

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa xukuno kala duwan waxa ay ku ridaa askarta lagu eedeeyo inay gaystaan falalka dilalka ah.