WHO oo Sheegtay in Corona Wax Ka Yar 2 Sano Ugu Dhaman Doono Dunida.

0
128

Madaxa hay’adda caafimaadka aduunka ee (WHO) ayaa sheegay in uu rejeynayo in feyriska Corona uu caalamka kaga dhammaan doono wax ka yar 2 sano.

Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ka hadlayay magalada Geneva, ayaa waxaa uu sheegay in Durigii ama hargabkii lagu magacaabi jiray Spanish flu ee caalamka ka dilaacay 1918 ay qaadatay in la soo afjaro muddo 2 sano ah.

Balse waxaa uu sidoo kale intaa ku daray in marka la eego hormarka laga gaaray dhanka tiknoolajiyada ay caalamka u suuragalayso in feyriska lagu joojiyo”muddo kooban.

Dr Tedros ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aalo la xiriiray musuqmaasuq la sheegay in lagu sameeyay qalabka looga gaashaanto feyriska tan iyo intii uu feyriska bilaabmay, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid “dambi ah “.

Feyriska Corona ayaa ilaa iyo imika dilay 800,000 oo qof islamarkana waxaa uu cudurka haleelay 22.7 milyan.