Al-Shabaab oo Toogasho Ka Fuliyey Gobalka Gade.

0
309

Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo waxaa ay xukun toogasho ah ku fuliyeen afar ruux oo ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen dowlada Soomaaliya iyo dowlada Maraykanka.

Afarta qof ee alshabaab ku eedeeyeen inay yihiin basaasiinta ayaa waxaa lagu kala magacaayaayey:-

1- Diini C/Qaadir Maxamed wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka
2- Ciise Cismaan Geelle wuxuu ushaqaynayay Sirdoonka Xabashida Itoobiya.
3- Aadan Xasan Max’med wuxuu u shaqaynayay Sirdoonka DF.
4- Cabdi Caziiz Xasan Cabdi wuxuu u shaqaynayay Sirdoonka DF

Al-Shabaab ayaa hore waxaa ay meelo ka mid ah Soomaaliya ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha taageera, kuwaas oo ay ka qabteen degaannada ay maamulaan iyo weliba qaar ka mid ah dagaalyahanadooda ururka ka tirsan.