Dagaal Xalay Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

0
148

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Amisom & Shabaab oo xalay ka dhacay Saldhig Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ka hor waxaa jiray weerar Madaafiic ah oo Shabaab ay ku qaadeen Saldhigaan Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Arbacow ee duleedka Ceelasha Biyaha, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen Madaafiicda kadib inuu xigay dagaal toos ah.

Xoogaga Shabaab ayaa soo weeraray Saldhigaan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhawaad saacad, waxaana dagaalkaasi la isku adeegsaday hub culus.

Ciidamada Militariga Somaliya oo ka agdhawaa goobta dagaalka uu ka dhacay ayaa markii xabada ay istaagtay waxa ay sameeyeen hawlgal, balse lama soo sheegin cid ay ku soo qabteen.

Xoogaga Shabaab ayaa xilliyada qaar weeraro gaadmo ah waxa ay ku soo qaadaan Saldhigyada Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Gobolada dalka.