Qarax Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0
184

Qarax miino ayaa wuxuu ka dhacay goor dhaweyd Magaalada Muqdisho, waxaana lala eegtay mid ka mid Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Laansareeti ee ku yaallo Degmada Cabdi Casiis, waxaana halkaasi maraayay oo qaraxa lala eegtay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muuse Geesey Jimcaale.

Saraakiisha ammaanka ayaa ku waramaya miinada oo wadada dhinaceeda la dhigay inay qaraxday, gaariga gudoomiyaha ayaa waxaa soo gaaray qasaaro markii qeyb kamid ah ay qabsatay miinada, waxaana ku dhintay hal ruux oo Bajaajle ahaa waxaana ku dhaawacmay laba ruux oo middi haweenay tahay.

Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada C/casiis oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa halkaasi waxa ay ka sameeyeen Baaritaano, mana jirto cid ay u soo qabteen qaraxaasi.

Qaraxyada Miinada ah ee la dhigo wadooyinka dhinaceeda ayaa ku soo badanaayo Magaalada Muqdisho maalmahan dambe.