Warbixin:-Ra,iisalwasaraha La Soo Magacaabi Doono Maxaa Horyaala???

0
159

Iyada oo gawaabsi sii marayso xiligii sharciga ahaa ee soo magacaabista ra,iisalwasaraha dawlada fedraalka ee soomaaliya laga dharsagyey madaxweyne farmaajo ayaa waxaa wali laga dareemayaa xarunta qasriga ah ee laga maamula jamuurida fedraalka ee soomaaliya dhaqdhaqaaq xoogan oo loogu xusul duubaayo sidii ninkasta ugu guuleesan lahaa ku guuleesiya xilka ra,isalwasaraha.

Madaxweyne  farmaajo waxa uu gacanta ku hayaa warqado badan oo uu ka gudoomay siyaasiyiin,odayaal dhaqan, ganacsato,maamulngobaleed oo intaba u hunguri taagayaa in uu mar un qabtaa xilak ra,isalwasaraha jamuurida fedraalka ee soomaaliya qof uu asaga wata ama gadaal ka riixayo.

Ra,isalwasaraha cusub ee la soomagaabayaa isga laftarkiisa waxaa hor yaala shaqooyin badan iyo waqti gaaban marka loo fiiriyo waqtiga uu heysto iyo shaqada sugeyso waa kaaf iyo kale dheere sida horayba soomaalida igu mah mahday

Ra,iisalwasaraha waxaa sugaayo in uu wax ka qabto xilga lagu jiro oo ah xili kala guur ah dalkane uu ku jiro xaalad siyaasadeed oo kacsan ,dawlada oo ku kacsan mucaarado farabadan dhan waxaa ka haysta dawlad gobaleedyo dhana waxaa ugu dhagan siyaasiyiin mucaaradsan hab dhaqanka dawlada iyo sida ay wax u maamulayso dhankale xisbiyo siyaasadeed oo ay ku jiraan rag miisaan ku leh siyaasa soomaaliya waxbadana ka soo shaqeyey.

Hadaba ra,isalwasare noo cee ah ayaa loo baahan yahay dalkaan samata bixn kara marka loo eego dhiibaatooyinta yaala, waa la helaa ra,iisalwasare isku qaban kara dhamaan marxadaha dalka uu hada ku jira dushana u ridan karo culeesyada ugu yimaan dhamaan dhinacyada isku heysa siyaasada dalka iskuna keeni karo mucaarad iyo muxaafad wax ay hashiis ku yihiin oo ay wada qeybsan karaan si daah furnaan ah.

Waxa kale looga baahanyahay sidii uu ku hergalin lahaa doorasho ku dhacda waqtigeeda oo liska waa faqsanyahay dhamaan saamileyda siyaada kuwada jira si qofkasta oo isga dhex arko muraayda siyaasada iyada oo wax loo qeysanayo saami siman.

Hadaba waxaan ka dhowsugeynaa saacadaha soo socda sida ay wax u dhacaan magacaabista ra,isalwasaraha iyada oo baraha bulshada lisle dhexmarayo magacyo kala duwan iyo shaqsiiyaad loo saaddaalinayo in uu noqdo ra,isalwasaraha badalayo ra,iisalwasarihii hore ee xasan cali kheyre oo ay isla soo wada shaqeyeeyn masaxweyne maxamed c/llah farmaajo sidaxdii sano iyo barkii daawladiisa shaqeenaysay.