Galmudug oo Diyaarisay Dufcadii ugu Horeeysay ee Ciidamada Daraawiishta.

0
68

Axmed Cabdi Kaariye Madaxweeynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Ayaa Tababar U Soo Xiray Cutub Ka Tirsan Ciidamada Darawiishta Galmudug Oo Tababar Uga Soconayay Magaalada Dhuusamareeb.

 

Ciidamada Madaxweeynaha Uu Tababarka U Soo Xiray Ayaa Waxaa Muddo Dhawr Bilood Ah Uu U Socday , Waxay Noqonayaan Dufcaddii 1-Aad Ee Ka Baxda Dugsigatababarka Ciidamada Ee Magaalada Dhuusamareeb.

 

 

Qoor Qoor Oo Khudbad Dhinacya Badan Taabaneeysa  Uu Jeediyay Ciidamada Ayaa Kula Dardaarmay Inay Si Wanaagsan Ugu Shaqeeyaan Deegaankooda & Dadkooda Kana Difaacaan Cadowga.

 

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Ayaa Ku Ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha Iyo Saraakiisha Tababarka Bixinaysay Sida Wanaagsan Ee Ciidamada Ay U Diyaariyeen.

 

Sikastaba Wasaaradda Amniga Galmudug Ayaa Horay Ula Wareegtay Maleshiyo Beeleedaydii Ku Sugnaa Degaannada Galmudug Iyo Hubkooda, Iyada Oo Sheegtay Inay Kamid Noqon Doonaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug.